Ceerigaabo, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo muddooyinkii dambe socdaal u jeedkiisu yahay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Doorashooyinka Somaliland ku joogay gobalka Sanaag, ayaa maanta kormeer uu ugu kuur-galaayo qaabka ay u socoto diiwaan-gelinta ku soo maray deegaanada Dayaxa, Doonyaha iyo Goob oo in ku dhow 40Km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Ceerigaabo.
Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen, xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta, haweenka, xildhibbaan Ibraahim Jaamac Cali Rayte, Xildhibbaan Maxamed Saalax, Xildhibbaan Axmed Faarax, qaar ka mid ah xildhibbaanada golaha deegaanka Ceerigaabo, cuqaal, madaxdhaqameed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay dadweyne aad u tiro badan oo boqolaal ahi ay ku qaabileen caleemo qoyan, lulidda calanka liimiga ah ee WADDANI iyo weliba sida oo kale erayo ay ku dhawaaqayeen oo muujinaaya heelanaanta ay u qabbaan xisbiga WADDANI iyo sida ay hormuudka ugu yihiin isbedel taam ah oo ka dhaca guud ahaan dalka.
Qaar ka mid ah dadkii halkaas ku soo dhaweeyey weftiga Cabdiraxmaan Cirro, ayaa gebi ahaanba ku dheeraaday heelanaanta iyo dareenka jaceyl ee ay u qabaan Cabdiraxaan Cirro, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay hormuud u yihiin isbedel dhabba oo ka tisqaada guud ahaan dalka, iyaga oo sida oo kalena ku dhawaaqay in si buuxda u taageersan yihiin xisbiga isbedelka iyo horumarka Somaliland ee WADDANI.
Xildhibbaan Ibraahim Jaamac Cali Rayte iyo xildhibbaan Maxamed Saalax oo iyaguna dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in ay booqasho ku yimaadaan deegaano u heelan siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedel ka tisqaada guud ahaan Somaliland, waxaana ay shacabkaas ku booriyeen in ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa hadalo kooban ka jeediyey deegaanaddaas, ayaa ugu horreyn waxa uu si aada uga mahadceliyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen weftigii uu horkacaayey, waxaana uu ku booriyey in ay isdiiwaan-geliyaan isaga oo ugu baaqay in ay hormuud ka noqdaan isbedel ka tisqaada guud ahaan dalka.
“Odeyaasha, cuqaasha, haweenka iyo dhallinyarta kale oo dhan ba waxa aanu si aada ugu mahad-celinaynaa si ballaadhan ee aad noo soo dhaweyseen deegaanada Dayax, Doonyaha iyo Goob, waxaana aanu idiin ku nimi in aanu eegno, oo u kuur-galno, lana socono dadku sida ay isu diiwaan-gelinayaan, waxa aanu ku faraxsanahay in goobtani ay tahay goob si aada la iskaga diiwaan-gelinaayo. Degmadanna sida laga warbixiyey waxa ay koobsatay xoolahii, beerahii, baddii iyo beeyadii, waa degmo muhiim ah degmada Doonyahu, dad saacaddan u taagan in ay is diiwaan-geliyaana waanu arkeynaa, waxaana aanu idin ku boorinaynaa weli waa la tartamayaa e’ in si aada isu diiwaan-gelisaan oo qof kasta oo qaan-gaadheyba uu is-diiwaan-geliyo si tiradiinu ay u noqoto tiro aadu fara badan si aad hadhow u heshaan adeegyadiina aad xaqqa ugu lee dihiin dawladda. Waxa aanu rajeynaynaa oo ku qoran barnaamijka xisbiga in deegaanadan la hormariyo, deegaanadana waa kuwo qani ah haddii ay beenyo tahay, haddii ay badda tahay, beeraha iyo weliba xoolahaba, waxaana aad xukuumadda WADDANI ka heli doontaan in aad xukuumadda WADDANI aad ka heli doontaan adeegyada aas aasiga ah oo idil haddii Illaahay ka dhigo. Ha la is-diiwaan-geliyo, ha la is-diiwaan-geliyo, ha is-diiwaan-geliyo, aad iyo aad na waad u mahadsan tihiin.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP