Cabsi laga qabo dagaal ka dhaca bariga-dhexe, kadib dilkii hoggaamiyaha Xamaas

0
1433

Tehran (Hargeisa Press)- Hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh, ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada maanta ah lagu dilay dalka Iran, sida ay sheegeen ururka Xamaas iyo xukuumadda Tehran, iyaga oo Israa’iil ugu hanjabay inay uga aargudi doonaan tallaabada ay qaadeen, arrintan ayaa dabka ku sii shidaysa xiisadda sii holcaysa ee gobolka bariga dhexe.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran, ayaa xaqiijiyay geerida Haniyeh, saacado kadib markii uu ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayay madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxaana ay sheegeen in ay baadhayaan dhacdadan.

Ismaaciil Haniyeh oo deganaa dalka Qatar, ayaa ahaa wejiga diblomaasiyadda ee Xamaas, isaga oo ururkaas ku metelayey fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dilka Ismaaciil Haniyeh in uu “Wax ka bedeli doono wejiga dagaalka”, halka Iran ay sidoo kale wacad ku martay inay ka aargudan doonto weerarkan ka dhacay caasimadeeda.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei, ayaa sheegay in Israa’iil ay la timi arrimo keenaya in si adag loogu ciqaabo, ayna tahay waajib Tehran saaran in ay u aargudo hoggaamiyaha Xamaas ee lagu dilay caasimadooda.

Ciidamada Iran, ayaa hore weeraro toos ah ugu qaaday Israa’iil horraantii dagaalka Gaza.

Ma jirin wax war ah ama sheegasho mas’uuliyadeed oo ka yimid dhinaca Israa’iil, marka laga reebo, in milateriga Israa’iil uu sheegay inay qiimaynayaan xaaladda.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin, ayaa sheegay in Washington ay ka shaqayn doonto sidii ay xiisada u qaboojin lahayd balse waxa uu sheegay in Mareykanku uu gacan ka geysan doono difaaca Israa’iil haddii la soo weeraro.

“Uma malaynayo in dagaalku yahay jidka keliya, taas ayaan ku adkeysanayaa, waxaan filayaa in mar walba ay jirto boos iyo fursado diblumaasiyadeed,” ayuu u sheegay suxufiyiinta xilli uu booqasho ku joogay Filibiin.

Qatar, oo xuddun u ah dhexdhexaadinta Xamaas iyo Israa’iil,  ayaa si adag u cambaaraysay dilka lala beegsaday hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay tallaabo halis ah oo uga sii daraysa xaaladda.

Turkiga, Shiinaha iyo Ruushka, ayaa iyaguna si adag u cambaareeyey tallaabadan.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, ayaa isaguna si adag u cambaareeyey weerarkan.

Golaha ugu sarreeya ee amniga ee dalka Iran, ayaa yeeshay kulan degdeg ah, iyaga oo qorshaynaya, tallaabada ugu haboon ee ay qaadi karaan, si ay uga falceliyaan dilka hoggaamiyaha Xamaas ee ka dhacay caasimadooda, sida laga soo xigtay ilo amni.

Dilkan, ayaa dhacay wax ka yar 24 saacadood ka dib markii Israa’iil ay sheegtay inay dishay taliyihii Xisbullah oo ay sheegtay inuu ka dambeeyey weerar lagu qaaday buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here