Cabdirisaaq Khaliif oo Ka Falceliyay Dacwada Xilka-qaadista Ee Laga Gudbiyay

0
2260
Guddoomiyaha-Golaha-Wakiillada-Somaliland-oo-ka-hadlay-xaaladda-laascaanood

Laascaanood (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka falceliyay dacwada ka dhanka ah ee xilka lagaga qaadayo ee Xeer-ilaalinta Somaliland u gudbisay Maxkamada Sare.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa uu dacwadaasi ka dhanka ah ee laga gudbiyay ku tilmaamay mid aan qiimo sharci lahayn, sida uu ku dooday.

Qoraal uu Cabdirisaaq Khaliif ku baahiyay bogiisa Facebook, ayuu ku sheegay in dacwada xukuumadu gudbisay ay tahay mid sharciga baal marsan oo aan mudnayn in laga jawaabo.

“Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay dastuurka dalka iyo dhamaan xeerarka dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo” ayaa ku yiohi Cabdirisaaq Khaliif qoraalkiisa uu ku baahiyay bogiisa Facebook.

Waxaa uu sheegay in shaqada xil ka qaadista ay leeyihiin golayaasha Baarlamaanku “Waana arin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka ee awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu xadgudbay” ayuu yidhi.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyey arji xambaarsan dacwad oogis Dastuur jabin ah oo liddi ku ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo lagu eedeyey inuu ku kacay khiyaamo Qaran.

Dacwadda ka dhanka ah Guddoomiye Khaliif oo ku taariikheyrsan 01/06/2023-ka, ayaa soo gaadhay maxkamadda Sare oo gal-dacwadeedkan qabatay Axaddii toddobaadkan oo ku beegnayd 04/06/2023-ka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Maxkamadda Sare oo raacaysa hab-raaca sharci ee dalka, waxa ay Maxkamadda Dastuuriga ahi Salaasada maanta soo saartay Qoraal ay ku socodsiisay Golaha Wakiillada dacwadda Dastuuriga ah oo sumadeedu tahay MS/GD/02/2023 taas ku liddi ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxa ay sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u dirtay nuqul ka mid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaas oo maxkamaddu kaga uu kaga dalbatay inuu kaga soo jawaabo Muddo toddoba maalmood ah oo ka bilaabmaya taariikhda maanta 06/06/2023 ilaa 13/06/2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here