Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddida Doorashooyinka Somaliland ee dhawaanta la dhaariyey ayaa maanta waxaa ay Cabdirashiid Riyo Raac u doorteen inuu noqdo Gudoomiyaha Guddidaasi.
Guddidan Doorashooyinka ayaa tan iyo intii Golaha Baarlamaanka Somaliland uu Ansixiyey Lix xubnood oo uu ka maqan yahay xubintii xisbiga Waddani uu ku lahaa Guddidaasi ayaa khilaaf weyn oo u dhexeeyaa xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah cirka ku sii shareeray.
Waxaana la filayaa in doorashada gudoomiyenimada Cabdirashiid Riyo Raac oo isaga xubinimadiisa komishanka doorashooyinka uu khilaafka ugu culusi uu ka taagnaa ay mar kale cirka ku sii shareerto khilaafkaasii u dhexeeya xisbiga iyo xukuumada.
Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID ayaa iyagu mawqif adag oo ay ku diidan yihiin in Cabdirashiid Riyo-raac oo xubinimadiisa khilaafku ka dhashay hadana loo doorto inuu Gudoomiye ka noqdo Komishanka Doorashooyinka.
Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.