Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Somaliland Ku Hambalyeeyay Guulaha Ay Gaadhay, Fariina U Diray Dowladda Soomaaliya

0
3260

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug, soona noqday Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay xuska 18-May, oo ku beegan xiligii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-banaanida.

Cabdikariin ayaa Somaliland ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadheen dhanka amaanka iyo weliba horumarka, isagoona dowladda federaalka ku eedeyay inay gebi ahaanba ku fashilmatay soo xero galinta Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin ayaa arrinkaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo ku sheegay inaanay dhacayn qaranimo dhameystiran inta ay maqantahay Somaliland, oo iyadu ku doodaysa inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

Wuxuuna usoo jeediyay dowladda federaalka inay dar-dar xoogan geliso wada-hadalada labada dhinac, xili ay socdaan qorshayaal cusub oo dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku ku wajahayaan wada-hadalkaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka

Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin in aan ku bogaadino guullaha ay ka gaadheen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doorashooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan.

Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya waa arrin u baahan qorshe weyn, faham caafimaad qaba, qirrasho sugan, dad ku dhacleh iyo tanaasul siyaasadeed.

Waxaan ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland xilligii Dowladdii hore. Waxaan xusuustaa iney walaallaheen reer Somaliland dabacsannaan muujiyeen, howshuna ay joogtay meel fiican oo laga sii amba-qaadi karay, laakiin nasiib daro xukuumadda hada jirta ee Soomaaliya ayaan ahmiyad badan siinin maqnaanshaha Somaliland iyo midnimadda dalka.

Inta ay Somaliland naga maqantahay, ma jiri karto qaranimo taam ah, wax badan ayaana Dowladnimadda Soomaaliya uga xayiran wadahadalladaas, sidaa darteed waxaan codsanaya in Dowladda Federaalka ah ay dib u billaawdo wadahadalladii socday oo xaggeeda ka xayirmay.

Waxaana ku talinayaa maadaama qadiyadda Somaliland ay noqotay mid 30 jirsatay in howsha lagu wajaho geedi socod wadahadal oo ka fog laab-lakac, gacan maroojin huwan isxambaar siyaasadeed oo bilaa qorshe ah iyo khiyaano.

Qof walba oo Villa Soomaaliya qabta, waa loo xisaabin doonaa wakhtiga uu galiyay iyo sida uu u maareeyay qadiyadda Somaliland oo ah arin muhiim u ah wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Mahad-badan

Abdikarim Hussein Guled

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here