Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu caleema saarayay Jiif Caaqilka cusub ee Beesha Bahgobo, Jiif Caaqil Axmed Xaaji Cabdi Nuur.
Caleema saarka Jiif Caaqilka cusub ee Beesha Bahgobo, ayaa waxaa ka soo qayb galay, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Maayaro, Badhasaabo, Madax-dhaqameed, Salaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiintii iyo Madax-dhaqameedkii kala duwanaa ee munaasibada caleema saarka ka soo qayb gashay, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan.
Waxaanay masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedku madasha ka jeediyeen hadalo isugu jira dar-daaran iyo duco ay u jeediyeen Jiif Caaqilka cusub ee Beesha Bahgobo.