Hargaysa (HP): Agaasimaha cusub ee telefishanka qaranka Somaliland C/rasaaq Cismaan Maxamed, ayaa balan qaaday inuu xilka loo igmaday si haboon u gudan doono intii awoodiisa ah mudadda uu masuuliyadaasi hayo.
Waxaanu ka codsaday shaqaalaha in ay si wanaagsan oo saaxiibtinimo ah ula shaqeeyaan, isla markaana uu isagu ahaan doono dabeecad ahaan sidii uu markii hore ula dhaqmi jiray shaqaalaha TV-ga.
C/rasaaq Cismaan Maxamed, waxa uu sidan ka sheegay munaasibadii uu shalay xilka agaasimaha TV-ga qaranka Somaliland kula wareegayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaaladda Hargaysa.
Agaasimaha cusub ayaa aad u amaanay agaasimaha hore ee TV-ga qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali, oo uu xilka kala wareegay.
Waxaanu sheegay Weji, uu yahay khabiir macalin ugu ahaa dhinaca shaqadda TV-ga, isla markaana uu ixtiraam badan u hayo.
DAAWO: KHUBADII AGAASIMAHA CUSUB EE TV-GA QARANKA:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.