Boqor Buurmadow oo lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa

0
1790

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland lagu soo dhaweeyey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo in muddo ah dalka ka maqnaa.

Boqor Buurmadow, ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay xisbiyada qaranka, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne tiro badan.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa soo dhawayntiisa kadib khudbad u jeediyay dadweynihii kala duwanaa ee soo dhaweeyay.

Waxaanu boqorku ka hadlay arrimo badan oo ku aadan intii uu dalka ka maqnaa, xaaladda dalka, waxaana uu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here