Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Boorama

0
568

Boorama (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta soo kormeeray qaar na xadhiga ka jaray, kuwo cusub na dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay magaaladda Boorama.


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hogaaminaayo oo safar shaqo ku marayay goboladda galbeedka Somaliland gaar ahaana magaaladda Boorama ee Xarunta gobolka Awdal.
Weftiga madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku wehelinaya xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland oo uu ay ka mid yihiin wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi, wasiirka waxbarashadda Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), wasiirka qorshaynta, wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale.


Intii kormeerka, dhagax dhiga iyo xadhig ka jarista mashaariicdaasi ay ku jireen madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu waxaa ku wehelinayay maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, iyo maamulka gobolka Awdal.
Maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirrada la socday uga warbixiyay mashaariicdaasi kala duwan ee la hirgeliyay gaar ahaana qaybta ay dawlad hoose ahaan ku leeyihiin.
Mashaariicda Madaxweyne ku-xigeenku soo kormeeray, isla markaana qaarkood xadhig-ka jaray ayaa ka koobnaa xarumo Caafimaad sida MCH, iyo xanaanooyin.
Xarumo Waxbarasho iyo wadooyin dhex maraya gudaha magaaladda Boorama, mashaariicdaasi oo dhamaantood laga maal-galiyay mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG-ga.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here