Booliska Somaliland oo Raadinaya Nin ay Sawirkiisa Baahiyeen oo Nin ku Dilay Hargeysa

0
268

Hargeysa (HargeisaPress) – Allaah ha u naxariisto ee Marxuum Cabdiraxmaan Haybe Khayre (Cabdi-dheere), ayaa lagu dilay magaalada Hargeysa, waxaana Booliska Somaliland sheegay inay raadinayaan Aabi Muuse Cilmi oo dilkaas geystay, ka dibna baxsaday.

Booliska oo Bayjkooda Facebook ku baahiyey warkan iyo sawirka ninka ay sheegeen inuu dilka geystay, ayaa bulshada ka codsaday in cidda aragtaa dhaqso ula soo xidhiidho Booliska Somaliland.

Warka ka soo baxay Booliska, waxa lagu yidhi; “Ciidanka Booliska JSL waxa ay wadaan hawlgal baadhiseed ay ku raadinayaan Eedaysane Aabi Muuse Cilmi oo ku eedaysan dilka Marxuum Cabdi Haybe Khayre (Cabdi Dheere), kaasi oo ku dilay Abbaaro 10:00 subaxnimo ee maanta, degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Eedaysanaha falka geystay waa la aqoonsaday, waxaana socda dadaallo xooggan oo ay Ciidamada Boolisku ku doonayaan in lagu soo qabto eedaysanaha.

Ciidanka Booliska JSL waxay bulshada ka codsanayaan in cid kasta oo xog ama warbixin ka haysa eedaysanaha ay la soo xidhiidhaan saldhigyada Booliska ee ugu dhow.
Aabi Muuse Cilmi waa eedaysanaha u geystay Marxuum Cabdi Haybe Khayre. Ciddii aragtaa Ciidanka Booliska Halla soo wadaagto.” Sidaa ayuu Booliska Somaliland ku yidhi qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here