Hargeysa (HargeisaPress) Hoolka degmada Maxamuud Haybe ayaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo uu hoggaaminayey xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta iyo isku xidhka taliyayaasha cusub ee saldhigyada Booliska iyo masuuliyiinta dawladda hoose.
Shirka waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Nabadgalyada ee Dowladda hoose ee Hargeysa, taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska JSL, labada taliye Qaybeed ee gobolka Maroodi-Jeex, agaasimaha Amniga Caasimadda, iyo taliyayaasha saldhigyada magaalada.
Intii uu socday kulanka waxaa la isla eegay sidii si hufan loogu wada shaqayn lahaa, iyadoo labada dhinacba ay muujiyeen diyaar garow iyo ballanqaadyo cusub oo la xidhiidha sugidda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee Hargeysa.
Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo nabadgelyada caasimadda iyo wanaajinta xiriirka u dhexeeya laamaha ammaanka iyo maamulka degmada.


















