Bilawga Tartanka Kooxaha Heerka 1aad Ee Gobolka Saaxil Oo La Shaaciyay

0
471

Hargaysa (HP): Maanta waxaa loo qori tuuray horyaalka kooxaha heerka 1aad Kubbadda cagta ee gobolka Saaxil oo dhan sideed kooxood.
Kuwaasoo bilaabmi doona shanta bishan aan ku jirno oo ah maalinta jimcaha ee beri.


Tartankan waxa maalgeliyay dhamaan kharashka ku baxaya wasaaradda dhallinyarada iyo ciaaraha Somaliland.
Waxaana fulinaya xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland.


Tartankan oo ay sideedda kooxood ba is wada arki doonaan ayaa soo gebo geboobi doona bilawga bisha afraad inagu soo aadan ee April.
Waxaanu tartankani kooban yahay 28 ciyaarood.


Munaasibadii qori tuurkaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiirka ciyaaraha Somaliland Boose Mirre Maxamed.


Maayarka Berbera C/shakuur Cidin, agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha C/rashiid Caydiid Yaasiin, iyo xubno ka tirsan wasaaradaasi.
Geesta kale dhamaan gobolada dalka ayaa laga fulin doonaa tartanka Horyaalada kubbadda Cagta ee kooxaha heer gobol.
Sidoo kale waxa hsda ka socda caasimada Hargaysa Horyaalada heerka 1aad, 2aad iyo 3aad ee kooxaha Kubbadda cagta heer qaran.
Kaas oo secon doona ilaa iyo bisha sagaalaad ee September ee sanadkan 2021-ka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here