Berbera: Saraakiisha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Oo Tababar Loo Furay

0
463

Berbera (HP): Saraakiisha ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa maanta magaaladda Berbera looga furay tababar socon doona muddo saddex bilood ah oo ay ku baran doonaan culuum la xidhiidha Baddaha.

Tababarkaasi oo socon doona muddo saddex bilood ayaa saraakiisha ciidanka ilaaladda xeebaha lagu bari doonaa culuum la xidhiidha hawlaha ka shaqaynta iyo ilaalinta Baddaha.

Waxaana tababarkaasi maalgelinaysa haayadda EU Cup, iyadoona ay saraakiisha tababarka ku qaadan doonaan jaamacadda barashadda culuumta Badda ee magaaladda Berbera.

Furitaanka tababarkaasi waxaa ka qayb galay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi, taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil, maayarka Berbera C/shakuur Cidin, taliyaha ciidanka booliska ee qaybta gobolka Saaxil gaashaanle Muuse Xasan Aadan.

Sidoo kale waxaa furitaanka tababarkaasi goob joog ka ahaa madax ka socotay haayadda EU cup, oo iyadu taageerta tayaynta iyo tababaradda ciidamadda ilaaladda xeebaha ee Somaliland.

Waxa kaloo furitaanka tababarkaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday jaamacadda barashadda culuumta Badda ee magaaladda Berbera, oo ay saraakiisha mudadda saddexda bilood ah tababarka kuq aadan doonaan.

Tababarkani ayaa noqonaya kii u horeeyay oo ay saraakiil ka tirsan ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland qaadanayaan muddo saddex bilood ah, kaasoo ay ku baran doonaan cilmi aad u muhiim ah oo ay u baahnaayeen ciidanka ilaaladda xeebuhu.

Kaasoo ka kooban noocyo kala duwan oo culuumta Baddaha ah, sida uu sheegay taliyaha guud ee ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ee gobolka Saaxil gaashaanle sare Haaruun Siciid Cali, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay.

Saraakiisha tababarka qaadanaysa ayuu taliyuhu kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan mudadda uu tababarkaasi socdo, isla markaana uu yahay mid iyaga anfacaya shaqadoodda.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here