Berbera: Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhashay Qoys Uu Guri Ku Dumay

0
358

Berbera (HP): Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen maanta, kadib markii uu guri ku dumay magaaladda Berbera.

Gurigaasi dadka ku dumay ayaa ku yaal xafadda Daaroole ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.


Qofka shilkaasi ku geeriyooday ayaa ahayd haweenay, halka laba qof oo kalena ay ciidamada Dab-damisku ka soo badbaadiyeen, qoyskaasi oo uu ku soo dumay dhisme ay deganaayeen.

Markii shilkaasi uu dhacay waxaa ku gurmaday oo ka hawl galay ciidanka Dab-demiska Berbera, waxaanay soo bad-baadiyeen laba qof oo ka mid ahaa dadkii gurigu ku dumay oo shilkaasi ku dhaawacmay.

Sidoo kale waxaa gurmadkaasi ka qayb galay ciidamada Booliska magaalada Berbera, dawlada hoose ee magaaaladaasi yo dadweynaha ayaa iyaguna hawlgalkan gacan weyn ka geystay.

“Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray 3 qof, islaan mayd ah, Inan yar, oo siriirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta” sidaasi waxaa yidhi qof goob joog u ahaa markii shilku dhacay, oo warbaahinta la hadlay.

Qoyskan uu gurigu ku dumay ayaa la sheegay in ay dhawr jeer oo hore ka dayriyeen cabsida ay ka qabaan in guriga ay degan yihiin uu ku dumo.

Sida uu weriyeyaasha u sheegay qof ka mid ah qoysaska la jaarka ah qoyskan uu gurigu ku dumay.

Waxaanu yidhi, “Saddex billood ka hor ayay hablahaasi ka sii calaacalayeen guriga, hada na saaka qadarka ILLAHAY ayaa dhacay”.

Geesta kale Ciidamada Dab-demisku ayaa fariin adag u diray bulshada, taas oo ah inay ka taxadaraan, isla markaana dayac-tiraan dhismayaasha keeni kara halis nafeed.

Sidoo kalena ka feejignaadaan bullaacadaha iyo musqulaha jilicsan ee u nugul inay dumaan.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here