Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaanada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Beelweynta Axmed Sheekh Isxaaq ‘Toljecle’, ayaa waxaa ay dhambaal boggaadin ah ay u direen Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Xildhibaanada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beelweynta Toljecle oo uu horkacayo Suldaanka guud ee beelweyntaasi, ayaa waxaa ay sidoo kale Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Muuse Biixi Cabdi, ku amaanay qabashada doorashooyinka adkaa ee uu dalka ka qabtay.
Sidoo kale, waxaa ay u mahadnaqeen Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, iyagoo sheegay in ay dalka ka qabteen Doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa, ayay u rajeeyeen in xilka culus ee loo igmaday ale u fududeeyo.
Waxay guud ahaan beelweynta Toljecle uga mahadnaqeen sidii ay uga qayb qaateen guusha uu gaadhay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddani.