Bangiga Somaliland oo beeniyay in suuqyada la soo geliyay lacago dheeraada

0
1259

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladdu ay suuqa soo gelisay lacago dheeraad ah oo Shilinka Somaliland ah oo aanu suuqu u baahnayn ama qaadi karin.

Guddoomiyaha bangiga dhexe, ayaa waxaa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah oo aan sal iyo raad toona lahayn isla-markaana aanay jirin.

Waxa uu guddoomiyuhu sidoo kale ka digay, in dhaqaalaha iyo lacagta dalka la siyaasadeeyo isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta dalka inay ka dhawrsadaan wararka aan salka lahayn ee waxyeelo ku keeni kara dhaqaalaha iyo lacagta dalka.

Sidoo kale, madaxda banigaga dhexe oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha bangiga dhexe iyo weliba Agaasimaha guud ee bangiga, ayaa kulamo iyo kormeer ku saabsan xasillinta suuqa iyo kor-u-qaadida shiling-ka Somaliland la yeeshay guddida sarifleyaasha Somaliland iyo weliba sarifleyaasha suuqa sarrifka.

Waxayna sidoo kale ay la wadaageen bulshada Somaliland qodobo ku saabsan wax ka qabashada sarrif bararka ka jira dalka.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa waxa uu ugu dambayntii digniino culus u diray cid kasta oo khalkhal gelinaysa suuqa lacagaha iyo sarrifka ee dalka, gaar ahaan dadka suuqa madaw ku shaqaysta oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here