Bangiga Dahabshiil oo ku guulaystay abaalmarinta-Bangiga ugu wanagsan adeegyadda Technology-yadda casriga

0
1341

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil oo si weyn uga qayb galay shirka 5-aad ee caalamiga ah ee aan Dulsaarka lahayn & Takaful Forum, oo ay soo qaban-qaabisay AlHuda Center of Islamic Banking and Economics (CIBE), ayaa ku guulaystay abaalmarin caalami ah.

Shirkaasi oo muddo laba maalmood oo 20-kii ilaa 21-kii bishan August, 2024, si habsami leh uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Shirka, ayaa ujeedadiisu ahayd in la fududeeyo fikrado isdhaafsi firfircoon iyo kor u qaadida kobaca maaliyadda aan dulsaarka lahayn ee Afrika, gobol u diyaarsan inuu noqdo xuduud cusub oo bangiyada Islaamiga ah iyo Takaful.

Madasha shirka, ayaa si qoto dheer loogaga dooday mowduucyo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin hab-maamuleedka maaliyadda Islaamka ee Afrika, fursadaha maalgashi ee bangiyada aan ribada lahayn, doorka Takaful ee ka mid noqoshada maaliyadda, iyo saameynta hal-abuurka fintech ee Islaamku ku leeyahay suuqa Afrika. Doodahaasi waxay ahaayeen kuwo wax ku ool u ahaa dejinta jihada istiraatijiyadeed ee maaliyadda Islaamka ee gobolka.

Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil oo qayb ka ahaa shirka, ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bangiga ugu wanagsan adeegyadda Technology-yadda casriga ah “Best Bank of IT Integration and Innovative Products,” taasoo ay bixiso Xarunta Al Huda ee Bangiyadda Islaamka iyo Dhaqaalaha (Al Huda, Centre of Islamic banking and economics), oo fadhigeeduna yahay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Munaasibadda abaalmarintan oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ayaa waxa ka qayb galay Maamulaha bangiga Dahabshiil Cumar Sheekh.

Guushan, ayaa uga dhigan Bangiga Dahabshiil sida ay uga go’an yahay in ay si hufan ugu adeegaan maacaamiishooda, isla markaana si joogta ah u casriyeeyaan adeegyadda bangiga Dahabshiil.

Abaalmarintan uu ku guuleystay Bangiga Dahabshiil, ayaa waxaa ay noqonaysaa tii sadexaad ee bangigu muddo hal sano ah ku guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here