Shirkadda Ethiopian Airlines oo diiday inay u hoggaansanto amarkii Soomaaliya

0
5180

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa waxaa ay si cad u diiday inay u hogaansanto amarkii maamulka Muqdisho ee ku saabsanaa in ay Shirkaddu Magaca Somaliland ku babadsho Soomaaliya.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa waxaa ay gebi ahaanba ku gacan saydhay isla-markaana ay diiday inay Hargeisa raaciso Somalia.

Hay’adda Duulista Soomaaliya, ayaa ka cadhootay tallaabo shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ku aqoonsatay Somaliland, ka dib markii shirkaddu bogaggeeda Internet-ka ku muujisay Magaca Somaliland.

Waaxda duulista Rayidka ee Soomaaliya oo qoraal soo saartay, ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ku xad-gudubtay madax-bannaanida Soomaaliya.

Qoraal hay’addu ay soo saartay ayay ku muujisay inaanay ku qanacsanayn is-beddelka Ethiopian Airlines ay dhawaan ku samaysay hawlaheeda duulimaadka ee Soomaaliya, waxayna muujisay sida ay shirkaddu u ixtiraami wayday madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan sida loo aqoonsado duullimaadyadeeda ku socda gudaha Soomaaliya, In kasta oo ay jiraan wada-hadallo badan oo dhexmaray mas’uuliyiinta hay’adda, Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee labada magaalo ee Muqdisho iyo Addis Ababa, haddana hay’addu waxay sheegtay in shirkadda ay meesha ka saartay tixraacyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya, iyadoo adeegsata kaliya magacyada garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Soomaaliya waxay siisay diyaaradda Ethiopian Airlines kama dambays inay 23 August 2024 wax ka qabato walaacyadaas. Hadii ay taasi dhici waydo waxay sheegtay inay keenayso in la hakiyo dhamaan duulimaadyadii Ethiopian Airlines ee Soomaaliya.

Laakiin, sababta arrintan keentay ayaa laga helay xogo dheeraad ah.

Xogaha la helay, ayaa sheegay in Lacag dhan 3 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah oo Bishii la lunsaday ay maamulka Hawada ee Muqdisho ku kaliftay inay soo saarto amarro ay ku Joojinayso shirkadaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Somaliland, wallow aanay awood u lahayn.

Warbaahinta Inside Africa oo la xidhiidhay ilo ku dhow dhow maamulka duulista ee Somaliland iyo maamulka Muqdisho si ay u ogaadaan sababta keentay amarkii ka soo baxay xafiiska duulista ee maamulka Muqdisho kaas oo ka codsaday Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai inay si degdeg ah u joojiyaan isticmaalka magaca “Somaliland” ay cabashadoodu la xidhiidho dano dhaqaale, maaddaama oo aqoonsiga Somaliland ee shirkadaha Fly Dubia iyo Ethiopia Airlines ay sanado badan soo jirtay.

Hore, maamulka Muqdisho waxa uu bishii ku dhawaad ​​3 milyan oo dollar ka heli jiray duulimaadyada caalamiga ah ee mara hawada sare ee Somaliland, laakiin xaaladdu waxay isbeddeshay markii Somaliland ay samaysatay taawar u gaar ah oo lagu maamulo hawada bishii February, 2024 si ay u maamusho duullimaadyada hawadeeda.

Tallaabadan, ayaa si toos ah uga hor timid maamulka Muqdisho, taasoo keentay in awaamiir iska soo horjeeda laga soo saaro diyaaradaha isticmaala hawada Somaliland.

Loolanka labada maamul ayaa gaadhay meeshii ugu sareysay kadib markii ay isku dhaceen diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines iyo diyaarad ay leedahay Qatar Airways, taasi oo ay ugu wacan tahay habka lagu ogaanayo isku dhaca diyaaradda Qatar.

Taasi waxay keentay in Muqdisho ay lumiso 3 milyan oo dollar oo bishii ka soo xeroon jirtay oo ay hore uga heli jirtay in si sharci darro ah lagu muquuniyo hawada Somaliland iyadoo sheeganaysa inay ka tirsan tahay Somaliland.

Khasaarahan maaliyadeed waxa uu ahaa qodob muhiim ah oo ka dambeeyay dardaarankii gardarrada ahaa ee Muqdisho shalay soo saartay, isaga oo isku dayaya in uu wiiqo madax-banaanida Somaliland iyada oo cadaadis ku saaraysa shirkadaha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here