Balligubadle: Iska hor-imaad dhexmaray Ciidanka Booliska iyo Kooxo Dabley ah

0
2758

Balligubadle (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacay iska horimaad xoogaani.

Wararka, ayaa tibaaxaya in iska horimaadkaasi ka dhacay magaalada Balligubadle uu u dhexeeyay kooxo dabley ah oo hubaysan iyo ciidamo ka tirsan Booliska magaalada.

Kooxda dableyda ah, ayaa waxaa la sheegay inay ka soo horjeedaan go’aankii lagu xaliyay khilaafkii siyaasadeed ee doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale, waxaana la sheegay in kooxdan dableyda ahi ay weerar ku qaadeen saldhiga Booliska ee magaalada Balligubadle.

Ciidanka iyo Dableyda, ayaa la sheegay in ay muddo saacado ah rasaas xoogan isku waydaarsadeen halkaasi, iyadoona la sheegay in dadka deegaanku ay kala dhex galeen Ciidanka iyo Dableyda.

kooxdan dableyda ah, ayaa hore u sheegay in ay u dagaalamayaan urur siyaasadeedka Horseed oo ka mid ah ururrada siyaasadda ee Somaliland.

Hase yeeshee, kooxda dableyda ahayd, ayaa waxaa la sheegay in ay magaalada iskaga baxday oo ay uga baxday dhinaca bari, isla-markaana aan la ogayn meel ay ku sugan yihiin hada.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Dirawal, ayaa dhankiisa iska fogeeyay kooxda dableyda ah, isagoo sheegay in aanay ka suuroobin in uu taageero kacdoon hubaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here