Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta ee jihadda Hadka gobolkaasi.
Badhasaabka Sool waxaa kormeerkaasi wehelinayay xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol ee Sool.
Waxaanay masuuliyiintaasi soo kormeereen hab sami socodka qaadashadda kaadhka codbixinta oo maalintii saddexaad ka socoto gobolkaasi.
C/qani Jiidhe, oo ka warbixiyay u jeedada kormeerkaasi waxa uu sheegay in qaadashadda kaadhka codbixintu ay si wanaagsan uga socotay dhamaanba goobihii ay soo mareen.
“Waxaan saaka kormeer ku soo kala bixinay goobaha Hawdka ee gobolka Sool.
Aniga iyo komishanka heer qaran, heer gobol iyo heer degmo. Si habsami ah bay uga socotay, oo lagu diirsado” ayuu yidhi badhasaabka Sool.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaana bulshadeena ka muuqday bisayl badan. iyagoo codsi waxtara u soo jeediyay komishanka doorashooyinka qaran”.
Geesta kale, guddoomiyaha Sool waxa uu faahfaahin ka bixiyay deegaamadii ay kormeerka ku soo mareen.
Waxaanu yidhi, “Goobaha aan soo marnay waxaa ka mida Ceel-jeex, Gobdheero, Dhumay, Gocondhaale, Candho-qoys, Dharkayn, Saaxdheer, Dabataag, Gog-dheer Candho-lule, Kalabaydh A, Kalabaydh B, iyo Qaydar”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.