Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Bandiga Carwadda Laascaanood Book Fair

0
1012

Laascaanood (HP): Ciidamadda booliska iyo kuwa milateriga ee gobolka Sool ayaa heegan buuxa la geliyay  si ugu diyar garoobaan roobab dabaylo wata oo la filayo in ay ku dhuftaan degaamo gobolkaasi ka tirsan.

Roobab mahiigaan ah ayaa la sheegay in ay afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay ka da’ayeen degaamo ka tirsan gobolka Sool, iyadoo

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in si looga digtoonaado dhibaato ka dhalata roobabkaasi ay heegan geliyeen.

Dhinaca kale badhasaabku waxa uu ka hadlay carwadda bandhiga buugaagta oo la filayo in ay tobanka bishan ka furanto magaaladda Laascaanood, waxaanu hay’adda wadaniga ah ee SFO uga mahad celiyay qaban qaabadda carwadani.

Waxaanu ugu baaqay bulshadda gobolka Sool in ay soo dhaweeyaan martida imanaysa bandhigaasi iyo dhinaca amniga, isagoo xusay in bandhiga carwadaasi uu sumcad weyn u keenayo gobolka.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Badhasaabka Sool:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here