Adhi-Cadeeye (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa digniin adag iyo fariin u diray odayaasha iyo waxagradka iyo bulshada deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolkaasi.
Waxaanu badhasaabku sheegay aanay mar danbe uga dul qaadanaynin, isla markaana aanay u dhici doonin in dad Maato ah lagu laayo qorshaha ay sitaan dhalinyaradda hubaysan ee beeluhu.
C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay kulan uu la yeeshay waxagradka iyo odayaasha deegaanka Adhi-cadeeye.
Badhasaabka ayaa si adag ugu digay odayaasha deegaankaasi in ay wax ka qabtaan dhibaatadda colaadda laba beelood u dhaxaysa.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.