Gabiley (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cabdillaahi Jamac (Bookh), ayaa waxaa uu maanta xafiiska gobolka Gabiley ku qabiley Ururka Dhagooleyaasha Heer Qaran iyo Heer Gobol ee Somaliland.
Ururka Dhagooleyaasha, ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha Ururka Dhagoolayaasha Somaliland Xasan Haybe Col-ujoog, isagoona ay ku wehelinayeen u qaabilsanaha Dallada Naafadda Qaranka ee gobolka Gabiley iyo xubno ka tirsan ururka maqalka naafada iyo turjumaan Sahra O. Aalin.
Kullanka, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha waxbarasho ee ardayda naafada ka ah dhanka maqalka, iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haysta, sidii loo heli lahaa taageero wax ku ool ah.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cabdillaahi Bookh, ayaa ballanqaaday in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa dadka baahiya gaarka ah qaba.
Ugu danbeynti Guddoomiyaha Ururka Dhagooleyaasha, ayaa ku boggaadiyay Badhasaabka Gobolka Gabiley sida uu u soo dhaweeyey, isla-markaana wax uga qaban doono baahiyaha dadka maqalka naafada ah.