Baashe Cabdi Yare oo kamid ahaa Mujaahidiintii UFFO oo geeriyooday

0
764

Washington (Hargeisa Press)- Allaah ha u naxaaristee waxaa shalay dalka Mareykanka ku geeriyooday Mujaahidkii iyo Halgamaagii weynaa ee Baashe Cabdi Yuusuf (Baashe Cabdi-yare).

Mujaahid Baashe Cabdi Yare, ayaa waxaa uu ka tirsanaa xubnihii ugu firfircoonaa ee Dhallinyaradii Mujaahidiinta ee Ururkii UFFO.

Baashe Cabdi Yare, ayaa allaah ha u naxaaristee ee ka mid ahaa Dhallinyaradii ka dhiidhiday tacaddiyadii iyo Xasuuqii ay Dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre kula kacday Shacbka Somaliland.

Mujaahid Baashe Cabdi Yare, ayay Dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre xabsiga u taxaabtay, kadib ka dhiidhinta tacaddiyadii loo gaystay Shacabka Somaliland.

Waxaana uu Marxuum Mujaahid Baashe Cabdi Yare, arrintaa uu ku mutaystay Jidh-Dil iyo xabsi dheer, oo ay kula kacday Dowladdii Siyaad Barre.

Markii xabsiga laga sii daayey, Mujaahidku waxa uu Dacwado Caalami ah ku soo oogay xubnihii xasuuqa u geystay Shacabka reer Somaliland ee ka tirsanaa Xukuumadii Kacaanka ee Soomaaliya.

Allaah ha u naxaaristee Mujaahid Baashe Cabdi Yare, ayaa ahaa Geesi iyo naftii hure uu Allah ku galladay garasho iyo dareen fog oo uu kaga dhiidhiyo dhibaato kasta oo shacabkiisa loo geystay.

Mujaahid Baashe Cabdi Yare, ayaa waxaa uu qeyb weyn oo shariif ah ka soo qabatay dib u dhiskii Qaranaka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here