Washington (Hargeisa Press)- Baarlamaanka Mareykanka, ayaa qaaday tallaabo ahmiyad weyn leh oo kor u qadaysa iskaashi istaraatajiyaddeed oo dhexmara Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Mareykanka.
Qoraal ka mid ah sharci ay ansixiyeen guddida miisaaniyadda ee Golaha Wakiillada Mareykanka (Congress-ka), ayaa jideynaya in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka in uu warbixin rasmi ah ka soo diyaariyo fursadaha lagu horumarin karo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.
Warbixintan oo la sugayo ugu dambayn 120 maalmood gudahood tan iyo marka uu sharcigan dhaqan galo, waxaa looga baahan yahay in lagu daraaseeyo hindise wax wada qabsi wax ku ool ah ay ku yeellan karaan JSL iyo Mareykanku.
Waxana qodobbada diirrada la saarayo ka mid ah dhinacyada; Amniga iyo nabadgelyada gobolka, Xidhiidhka diblomaasiyaddeed, isdhaafsiga ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada horumarka bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah.
Qoraalka waxa uu muujinayaa in xubno muhiim ah guddida miisaaniyadda ee Mareykanku ay ku qanceen doorka weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland kaga jirto gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay tahay in la dardar geliyo xidhiidh la taaban karo oo dhex mara labada dhinac.
Geesta kalena, waxa muddooyinkii u dambeeyay sii xoogaysanayay saaxibbada Somaliland ee Mareykanka. Kuwaasi oo u ololeynaya in Mareykanku xidhiidh dhow oo dhinacyo kala duwan la yeesho Jamhuutiyadda Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo saaxiib weyn u noqon Mareykanka.

















