Kursiga ugu sarreeya ee dalka ayaa maanta jaangooya nabadda iyo midnimada Somaliland, iyada oo aan laga doonayn meel kale. Tan iyo markii Somaliland ay la soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991, hoggaaminta dalka waxa inta badan hayey beesha dhexe, marka laga reebo muddadii uu xilka hayey Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin (7 sano). Sidaas darteed, haddii si cadaalad ah looga garsooro arrimaha la isku hayo oo aan laga meermeerin, waa hubaal in la gaadhi karo midnimo iyo wadajir buuxa.
Sidaa awgeed, waa in gogosha nabadda lagu xoojiyo in saddexda xisbi qaran ay soo sharraxaan saddex murashax oo ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag. Tani waxay noqonaysaa tallaabo cadaalad iyo garawshiiyo ah oo loo muujinayo walaalaheen ku maqan cadhada. Soomaaliduna waxay hore u tidhi: “Ninka ragga ah garabkaaga ka eeg, hana ka eegin gondahaaga,” taasoo micnaheedu yahay in aan la quudhsan ee la wadaago mas’uuliyadda dalka.
Cudurka ugu weyn ee u baahan in la daaweeyo waa qabyaaladda. Waxaa lagaga gudbi karaa cadaalad iyo hab dimuqraadi ah oo sax ah. Iyadoo dimuqraadiyaddii laga tegayn, haddana waa in dib loogu noqdaa oo si sax ah loo hirgeliyaa. Waa in la dhisaa nidaam ay 15kii sanaba saddexda xisbi qaran soo sharraxaan saddex murashax oo ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag, oo shantan soo scota la siiyaa Gobolladdas bariga ee nabaddooda gogol xaadhkeedu socdo,si ay dadweynuhu u kala doortaan. Murashaxiintaas waa in lagu xulaa:
• Aqoontooda
• Waayo-aragnimadooda
• Samo-talisnimadooda
• Kartidooda nabadda iyo horumarka
Shanta sano ee xigta, waa in la soo sharraxaa saddex murashax oo ka soo jeeda Gobollada Awdal iyo Salal, si dadweynuhu u kala doortaan. Halka shanta sano ee xigta ay noqonayso in la kala doorto saddex murashax oo ka soo jeeda beesha dhexe ee Somaliland. Sidan, waxaa si tartiib tartiib ah loo dhisayaa nidaam dimuqraadi ah oo la jaanqaadi kara dalalka horumarsan, kuwaas oo murashaxiinta ku doorta aqoonta iyo hoggaaminta, halkii qabyaalad lagu salayn lahaa.
Si loo hirgeliyo qorshahan, waa in la qabtaa kulan gogol-xaadhaaya shirka nabadaynta Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag. Waa in laga wada tashadaa qorshaha lagu xoojinayo jiritaanka iyo horumarka Somaliland, lana qaadaa tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagula dagaallamaayo qabyaaladda kala qaybisa bulshada. Waxaa muhiim ah in la iska jiro faragelinta wadamada danaha gaarka ah ka leh burburinta Somaliland.
Maanta maaha maalintii laga meermeerin lahaa runta, balse waa maalintii la qaadan lahaa go’aanno geesinimo leh oo lagu badbaadinayo ummadda. Baaqani waxa uu si toos ah ugu socdaa Guddiga Nabadda ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo u muuqda mid raadinaaya waddada nabadda iyo horumarka Somaliland.
Nabadda Somaliland Waa Mas’uuliyad Ina Wada Saaran!
W/Q Qoraa Ismaaciil Cali Axmed