Burco (Hargeisa Press)- Allah haw naxariiste laba ruux oo Dumar ah ayuu maanta baabuur ku jiidhay Wadadda u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh ee gobolka Saaxil iyo Burco.
Haweenkaasi oo uu baabuurku ku jiidhay deegaanka Galloolay, oo ku yaala Wadadda u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco, iyadoona halkaa ay ku geeriyoodeen labadaasi haween ahaa.
Sidoo kale, waxa uu shilkaasi dhaawac ka soo gaadhay Derawalkii waday baabuurka haweenka jidhay, kadib markii uu rogmaday baabuurku, markii uu dumarka jiidhay.
Maydka dumarka dhintay iyo dhaawaca Derawalka waday baabuurka haweenka jiidhay, ayaa la geeyay cusbitaalka degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, halkaasoo dhaawaca Derawalka lagu la tacaalayo.
Isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maydadka marxuumintii shilkaasi ku geeriyooday ay yaalaan qolka Maydka ee cusbitaalka degmada Sheekh.
Waxaanu intaas raaciyay isuk-duwuhu in muddo gaaban gudaheed ay noqonayso markii labaad ee shil noocan oo kale ahi uu dhaco deegaanka Galoolay.
Geesta kale, shilalka baabuurta ee Somaliland ka dhaca ayaa sannadkasta galaafta nolosha boqollaal qof, sannadkii la soo dhaafay oo keliya 5,829 shil ay dalka ka dhaceen.
Waxaana shilalkaasi ku nafwaayay dad tiradoodu gaadhayso 148 qof, halka 3,944 oo qof na ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ciidanka booliiska Somaliland.
Dhinaca kale, xukuumada Somaliland, ayaa marar badan isku dayday in ay dhinto xawaaraha sare ee ay Waddooyinka ku maraan baabuurtu, si shilalka loo yareeyo. Laakiin, isku daygaasi ayaan guulaysan.