Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si adag uga jawaabay eedeyntii Farmaajo u soo jeediyay ee ahayd in shirkii Afisyooni ay fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. iyagoo ka soo shidaal qaadanaya dalal shisheeye.
Axmed Madoobe, ayaana eedeyntaas iska fogeeyay waxaanu sheegay in Farmaajo uu shirkaas fashiliyay isagoo ka shidaal qaadanaya Madaxweynaha Eritre Isaias Afwerki iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in hadii Farmaajo uu faraha kala baxo amniga iyo arrimaha doorashada Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhabeeyo tallaabadii uu ugu wareejiyey Ra’iisal wasaaraha, uu ku kalsoon yahay in khilaafka doorashooyinka lagaga heshiin doono shirka ka dhacaya Muqdisho.
https://youtu.be/BjnfejS78DQ