Askarigii Gaystay Dilka Ganacsade Gacma-dheere iyo Askari La Socday Oo La Xukumay

0
953

Hargeysa, (HargeisaPress) — Yuusuf  Faarax Sharmaarke, Gudoomiyaha Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland, ayaa sheegay in Maxakamaddu xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdillaahi Cabdi, oo ah Askarigii Dilay Ganacsade Xuseen Gacma-dheere. Waxay sidoo kale Maxakamaddu 10 sanno oo xadhig ah ku riday Maxamed Axmed ismaaciil, oo ah Askari Booliska ka tirsan kuna sugnaa Kantaroolka lagu Dilay Alle ha u naxariistee Gacma-dheere.

“Maxakamaddu shalayba way gabo-gabaysay Kiiska, waxaanay 2:30-kii soo saartay xukun labada Eedaysane ku wajahan, Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi, oo Askari Boolis ah waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Alifle Maxamed Axmed Ismaaciil, waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi Militari ah”, ayuu yidhi Gudoomiye Yuusuf Faarax

Maxamadda ayaa Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi, ku heshay dambi ah inuu Marxuum Gacma-dheere kula kacay dil badheedh ah, halka Askariga 10-ka sanno lagu xukumayna lagu helay inuu isagu u yeedhay Askari dilka gaystay markii dambena difaacay “Eedaysanaha 2-aad Ninka wax dilay isagaa u yeedhay oo warbixin been ah oo aan jirin buu siiyay, waa la I jiidhay oo Kaantaroolkii baa xoog la igu dhaafay ee soo gurmo ayuu ku yidhi, cid xoog ku dhaaftayna ma jirin, markuu u yimid doorkii Taliye muu ciyaarin oo xabadda ha ridin ma odhan, Askarigiina Xabbaddii buu Ninkii ku dhuftay, markii Askarigiisii dilka gaystayna muu samayn inuu gacan ku dhiiglaha qabto iyo inuu Marxuumkii gargaar u fidiyo ee wuu la saftay oo difaac bay wada galeen”, ayuu yidhi Gudoomiye Yuusuf.

Labada Askari ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah in Kaantaroolka Degmada Qoton ee dilku ka dhacay yahay mid labada Askari iskood u samaysteen oo aan ahayn Kaantarool sharci ah.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here