“Arimaha Waaweyn ee Lagu eedaynayo Cabdikariin waxaa doonaya Dadkii doortey” Xildhibaan Siciid Cudhey

0
865

Hargeysa,(HargeisaPress) – Xildhibaan Siciid Cudhey oo Katirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa eedaymo Culus u jeediyay Maayarka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge oo uu Ku eedeeyay in Lagu haysto Arimo Waaweyn oo Culus Sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa Kale oo Xildhibaan Siciid Cudhey Maayarka Ku eedeeyay in uu Kasoo bixi Waayay shaqadii Xafiiska islamarkaana, uu ka been sheegay Kalfadhihiyadii iyo balamihii kulanka Golaha Deegaanka Caasimada Sida uu hadalkiisa u dhigay, waxaannu Carabka Ku dhuftey in ay Talaabada ay qaadayaan tahey Mid u taala Xafiiska iyo Xildhibaanada oo kaliya.

Siciid Cudhey oo Maanta Wareysi Ku bixiyey Magaalada Hargaysa Waxa uu cadeeyay, in ay Talaabo qaadayaan.

“17kii Xildhibaan iyo 15kii Xildhibaan ee doortey ayaa u yeedhanaya iyagaana doonaya, inuu uga Jawaabo su,aalo ay qabaan ma aha shaqo shicibka u taal ee waa shaqo xafiis”

Waxa Kale oo uu Sheegay “annigaa Kamid ah waxaan doonayaa Maayar Mooge innuu iga qanciyo halkii la iga soo doortey, wadadda Madaarka oo ilaa 200 laba boqol ama Sadex boqol oo Meheradood ku yaalaan, oo lacag fara badani dadka ay ka kacdey ilaa maantana ay Xidhan yihiin” Ayuu yidhi.

Wuxuu Sheegay wadooyin Kale oo ay Shacabka lacag Kasoo ururiyeen Sida Jidka golwaraabe, oo ay lacagtii hayaan fulintu taas oo ay Kasoo wareegtay Mudo sadex sanadood ah.

“Maayar mooge waa boqol Qof oo iskujira, annagaa naqaan shakhsiyadiisa” ayuu yidhi

Waxaanu Sheegay in qofka Marka loo yeedho (Maayarka), we wax Lagu soo oogo uu ka dabaasho ama ay Ku cadaato Sidaa darteedna aannu ka baqan Xildhibaanada ee uu hoyimaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here