Jabuuti (HP): Tartanka quraanka kariimka ah oo sanad kasta bisha Ramadaan lagu qabto dalka Jabuuti, ayaa sanadkan waxaa ka qayb galay arday ka socotay Somaliland.
Ardaydan ka socotay Somaliland op tiradoodu ahayd saddex arday, ayaa tartankaasi kaga qayb galayay 30-ka Jis, 20-ka Jis, iyo 10 Jis.
Qabashadda tartankaasi quraanka kariimka ah waxaa sanad kasta soo qaban qaabisa wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta.
Dalalkii tartankankaasi quraanka ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Yemen, Suudaan, Somaliland, Kenya, Tanzania, Uganda, iyo dalal kale oo islaam ah.
Xaflad lagu abaalmarinayay ardaydii tartankaasi kaalmaha hore ka gashay, waxaa ka qayb galay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, C/fataax Siciid Axmed.
Waxaanu safiirku abaalmarihii loogu tallo galay guddoonsiiyay ardaydaasi ka socday Somaliland markii ay soo dhamaatay xafladu.
Tartankan quraanka ee ka dhacay magaaladda Jabuuti, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta, ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti.
Dalalkii tartankan quraanka ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Yemen, Suudaan, Somaliland, Kenya, Tanzania, Uganda, iyo dalal kale oo islaam ah.
C/fataax Siciid Axmed, danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, ayaa u hanbalyeeyay saddexda arday ee tartankaasi ka qayb galay, iyo guusha ay gaadheen.
Waxaanu C/fataax, ku amaanay dawladda jamhuuriyadda Jabuuti, qabashadda tartankaasi quraanka kariimka ah.
Geesta kale ardayda Somaliland ka socday ee tartankaasi quraanka ka qayb galay ayaa iyag na dareenkoodda ka hadlay.
Waxaanay sheegeen in ay kaalmaha hore ka galeen tartankaasi, isla markaana waxay dawladda Jabuuti, uga mahad celiyeen qabashadda tartankaasi.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.