“Aqoonta qofku u leeyahay shuruucda iyo dastuurka waa dhaqan-gelinta sharciga dalka…”

0
287

Hargeysa (HP): Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa maanta shaacisay in muddo gaaban la fasaxay shaqaalaha dawladda ee la barayay barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda.


Sababta keentay fasaxaasi gaaban ayay masuuliyiinta wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurku ku sheegeen in maadaama oo la galay tobankii maalmood ee u danbeeyay bishan Ramadaan awgeed.

Shaacinta fasaxa la siiyay shaqaalaha wasaarradah, iyo haayadaha dawladda ee lagu tababarayay xarumaha ay maamusho wasaaradda Dastuurku, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.


Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in sababta ay fasaxaasi gaaban u sameeyeen ay tahay in ay shaqaalahan la tababarayay fursad ama wakhti u helaan cibaadda bisha Ramadaan.

Geesta kale wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha ayaa sharaxay u jeedadda ay ka leeyihiin tababarkan ku saabsan barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda ee la siinayo shaqaalaha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda.


DAAWO: Wasiirka iyo Agaasimaha Guud Oo Ka Warbixinaya U Jeedadda Fasaxaasi kooban:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here