Amarkii ay Maxkamadda Sarre ka soo saartay xadhigga Xildhibaan Maxamed Abiib

0
1367
Maxkamadda Sare ee Somaliland

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa maanta waxa ay ka garnaqday dacwadii ka dhexeysay Golaha Wakiillada iyo Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, taasi oo la xidhiidhay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ka tirsan golaha Wakiillada.

Maxkamada sarre ee Somaliland, ayaana go’aan ka gaadhay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, oo muddo 30 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Madheera.

Maxkamadda, ayaa waxay qaraarisay in xabsi ku haynta Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ay tahay sharci darro, waxana ay amartay in Xabsiga laga sii daayo.

Sidoo kale, maxkamadda, ayaa fartay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland in uu xabsiga ka siidaayo Xildhibaanka, isla maanta, iyadoona sidoo kale fartay hay’adaha qaranka in ay dastuurka dalka u hogaansamaan oo ixtiraamaan.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa maanta si rasmi ah u helay xorriyaddiisa kadib amarka ay soo saartay Maxkamadda sare ee Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo muddo 30 maalmood ah ku xidhnaa xabsiga Mandheera, ayaa la xidhay xilli uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku maqnaa muddo.

Xildhibaanka, ayaa hore u wajahayay eedeymo dhowr ah oo uu ka gudbiyay xafiiska Xeer-Ilaalinta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaran-dumisnimo, sumcad dilka ciidanka, u-hiilin cadow, iyo ka-hor-imaanshaha danaha qaranka.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa ay laba jeer cod ku diideen xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib iyo in xasaanadda laga qaado.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee lagu xidho Somaliland, kadibna lagu sii daayo amar Maxkamadeed.

Hoos ka akhriso amarka Maxkamadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here