Agaasime Cabdirashiid: “Waxan rajaynayaa in tartankan Somaliland ku guulaysato sanadkii labaad”

0
557

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay tartan dhinaca orodka ah oo ka dhacaya magaalada Hargeysa.

Tartanka orodka ee Hargeisa International Marathon oo ah tartankii labaad ee Somaliland lagu qabto, ayaa maalinta berrito ah lagu qabanaya magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb gelaya Orodyahano ka kala socda waddamada Itoobiya, Jabuuti, Cameron, Angola iyo Bahrain.

Agaasimaha wasaaradda Ciyaaraha, ayaa ugu horayn ka warbixiyay Tartankan orodka ah iyo ujeedkiisa iyo muhiimadda weyn ee uu Somaliland u leeyahay tartankani.

Waxaa uu sheegay Agaasime Cabdirashiid in uu rajaynayo in tartankan orodka ee Hargeisa International Marathon ay Somaliland ku guulaysato sanadkii labaad.

Tartankan, ayuu sheegay inuu muujinayo horumarka iyo horu socodka dalka Somaliland, isla-markaana ay ciyaaraha fudud qayb yihiin waxyaabaha ay hibada u leedahay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here