Agaasime Axmed Abokor oo faah-faahiyay kulankii ay la-qaateen dallada dhallinyarada Han-mideeye

0
1184

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan ay maanta wada yeesheen Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil iyo Dallada Dhallinyarada Han-mideeye ee metesha Beesha Ciise Muuse.

Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa ugu horayn u mahadnaqay dallada dhallinyarada Han-mideeye, waxaanu ku boggaadiyay dedaalka weyn ee ay sameeyeen.

“Dallada Han-mideeye oo metesha deegaanada Beesha Ciise Muuse. Waa dallad ka shaqaysa danta guud. Waxanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa dalladan iyo ciday matasho iyo deegaanaday joogaanba, isku xidhnaantooda iyo isku duubnaantooda. Xogtaynala wadaageena waa xog wax badan ka tari doonta iskaashigayaga.” ayuu yidhi Agaasime Axmed Abokor.

Axmed Abokor, ayaa xusay in masuuliyiinta Xukuumadda iyo Dallada Dhallinyarada Han-mideeye kulanka kaga wadahadleen sidii looga shaqayn lahaa danta guud ee baahiyaha deegaanada ay ka soo jeedaan ka jira.

“Kulanka waxaanu kaga wadahadlaynay sidii looga shaqayn lahaa danta guud ee baahiyaha deegaanadaas ka jira, sida caafimaadka, waxbarashada iyo baahiyaha kale.” ayuu raaciyay.

Agaasimaha, ayaa sidoo kale sheegay in dallada ay ka wadahadleen sidii ay si midaysan u taageeri lahaayeen Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, isla-markaana ay ka xukuumad ahaan u balanqaadeen inay la shaqeeyaan dallada.

“Waxaa kale oo aan dallada ka wadahadlaynay inay si midaysan u taageeraan Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye. Xukuumad ahaana waxanu u balan qaadnay inaanu la shaqaynayno.” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Axmed Abokor Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here