Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa qaabilay Wefdi Sarakiil ah ka socotay Midowga Yurub, gaar ahaan Mashruuca Daryeelka Bulshada.
Kulankan, ayaa waxaa Agaasimaha ku wehelinayay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Axmed Abokor Maxamed iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda Shaqo-gelinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, ayaa waxaa uu wefdiga warbixin qota-dheer ka siiyay guulihi laga gaadhay Mashrucii Daryeelka Bulshada ee ay wasaaraddu hirgalinaysay.
Waxaanay Agaasimaha iyo Wefdigu kulankaasi kaga wadahadleen, sidii loo sii xoojin lahaa Mashaariicda Daryeelka Bulshada ee guud ahaan Somaliland.