Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta oo mashiin-Laydh iyo qalab kale gaadhsiiyay deegaanka Qoyta

0
1074

Burco (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa waxaa uu mashiin nooca laydhka ah gaadhsiiyay deegaanka Qoyta oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Agaasimaha wasaaradda Qorsheynta, ayaa sidoo kale waxaa uu deegaankaasi gaadhsiiyay agab kala duwan oo kuwa xafiisyada ah, kuwaasi oo lagu qalabayn doono xarunta dowladda hoose ee degmada Qoyta.

Deeqdan kala duwan, ayaa waxaa ay dabooli doonaan baahiyihii aasaasiga ahaa ee ka jiray deegaankaasi, iyagoo dadka deegaanku ay baahi weyn u qabeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale oo madasha deeqdan uu ku wareejinayay hadal ka jeediyay, ayaa faahfaahin ka bixiyay agabyada kala duwan ee ay ka wasaarad ahaan ugu deeqeen deegaanka Qoyta.

Waxaa uu sheegay in ka xukuumaddu adeegyo kala duwan oo dhanka horumarka ah ay ka qabatay deegaanka, isla-markaana ay markasta diyaar u tahay inay daboosho baahiyaha deegaanka.

Dadka ku dhaqan deegaanka Qoyta, ayaa si weyn u soo dhaweeyay deeqdan Mashiinka iyo agabka kale ee uu soo gaadhsiiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, iyagoona sheegay in ay baahi weyn u qabeen qalabkan.

Maaha markii ugu horaysay ee uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, uu deeq gaadhsiiyo deegaankan iyo deegaanada kale ee dalka, isagoona tan iyo markii xilka Agaasimaha loo magacaabay uu door weyn oo laxaadle ka qaatay horumarka deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here