Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo soo bandhigay caqabadaha haysta Kalluunka dalka

0
1492

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay sidii looga faa’idaysan lahaa khayraadka kala duwan ee ku jira badda Somaliland.

Agaasimaha, ayaa sheegay in loo baahan yahay, isla-markaana lagu dedaali lahaa sidii loo iib geyn lahaa Kalluunka kala duwan ee badda dalka ku jira.

Wuxuu agaasimuhu ku baaqay in kor loo qaado wax soo saarka kalluunka dalka, isagoona faray xukuumadda iyo ganacsatada in ay maalgeliyaan shirkaddaha ka shaqeeya Kalluunka.

Agaasimaha wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa soo bandhigay caqabado haysta kalluunka dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi.

Wuxuu sheegay in dalal badan oo Afrikaan ahi ay haystaan Kalluun, halka qaar koodna u baahan yihiin, balse buu yidhi ay haystaan caqabado badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here