Agaasimaha Wasaaradda Deegaan Oo Soo Xidhay Barmaamijka PROSCAL

0
394

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaan iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa soo xidhay aqoon iswaydaarsi ku saabsan barmaamijka (PROSCAL) oo muddooyinkan ba ay wasaaradu waday.


Barnaamijkaasi oo 4tii sano ee la soo dhaafay ka socday waddanka waxaa lagu yareenaayay isticmaalka Dhuxusha.
Waxaana iska kaashaday wasaaradda Deegaanka iyo haayada UNPD waxaana maalgeliyay barnaamijkaasi ururka Midowga Yurub.
Barnaamijkani ayaa loogu tallo galay in ay ka faa’iideystaan dad danyar ah ee ku dhaqan guud ahaan gobolada Somliland oo dhan, kuwaas oo dhaqaale ka helay barmaamijkan la yidhaahdo Proscol.
Sida aqoon iswaydaarsigani iyo weliiba xogo hore loo soo ururiyey ay cadeeyeen bulsho badan ayaa kaga guuray faa’iidaystay Isticmaalka dhuxusha.


Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland C/kariin Aadan Cade, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka barnaamijkaasi ayaa ka warbixiyay mudadda uu barnaamijkaasi soo socday iyo waxyaabaha ay bulshadu ka faa’iiday.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here