Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqo-Gelinta oo Daahfuray Xeerarka iyo Siyaasadaha Caruurta

0
788

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw. Aadan, ayaa maanta daah-furay Xeerarka iyo Siyaasadaha Caruurta.

Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Jees ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Agaasimaha Guude ee Wasaaradda Cadaalada, Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Caruurta, Agaasimeyaasha waaxayaha kala duwan ee Wasaaradda Shaqo Gelinta.

Kulankan, ayaa la xidhiidhay sidii loo dar-dar gelin lahaa Siyaasadaha iyo Xeerarka Caruurta oo ay Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ay mido dheer ka shaqaynaysay.

Waxaana ugu horayn kulankan ka warbixiyay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Filsan  Xuseen Khaliif iyo mas’uul ka socday hay’adda Save the Children, waxaanay tilmaameen in muhiimada kulankani ahayd sidii looga doodi lahaa dejinta misaaniyad arrimaha Carruurta wax lagaga qabanayo iyo la socodka xeerka carruurta, iyaga oo cadeeyey in wasaaraddu ay diyaarisay oo la ansixiyey siyaasadda daryeelka carruurta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw. Aadan oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa tilmaamay sidii kor loogu qaadi lahaa, loona dhamaystiri lahaa wixii xeerar ah ee qabya ah ee la xidhiidha arrimaha Caruurta iyo sidii loo fulin lahaa xeerarka la dhamays tiray una baahan in lagu dhaqmo.

Agaasime Axmed Xasan, ayaa sheegay in qaranka uu xil ka saaran yahay Kobcinta, korinta iyo daryeelka Carruurta reer Somaliland, waxaanu intaas ku daray in kulankan ujeedkiisa ugu weyni ahaa in lagu kala warqaato halka ay marayaan dedaaladii ilaalinta xuquuqda carruurtu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here