Agaasimaha dallada SONYO oo shir caalami ah kaga qayb-galay dalka Tanzania

0
971

Daarasalaam (Hargeisa Press)- Wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha fulinta dallada dhalinyarada heer qaran ee Somaliland ee SONYO Axmed Maxamuud Cabdi, ayaa gaadhay dalka Tanzania.

Weftiga Agaasimaha dallada SONYO Axmed Maxamuud Cabdi, ayaa caasimadda waddanka Tanzania ee Daarasalaam, kaga qaybgalay shir caalami ah oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Shikan, ayaa ahaa shir-goboleedka isku xidhka daneeyayaasha ka shaqeeya hurumarinta dhallinyarada sida hay’addaha caalamiga ah, hay’addaha maxalliga ah iyo xubno ka socday dowladaha 9 waddan oo Africa ku yaal.

Ujeeda shirkan, ayaa ahayd sidii looga wada hadli lahaa kobcinta iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo abuur ee dhalinyarada ku nool 9 waddan oo Afrika ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here