Hargeysa, (HargeisaPress) — Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si kulul u cambaareeyey Xadhiga dhalinyaro kasoo jeeda Koonfurta Hargeysa oo maanta Xabsiga loo taxaabay kuwaasoo saaka laga qabqabtay Laamida tagta madaarka Hargeysa xili uu wadada maraayey Madaxweyne Silaanyo
Afhayeenka oo goor dhawayd Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu Cambaareeyey isla markaasina Xukuumada ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda ugu soo celiso Dhalinyarada oo tiradoodu gaadhayso 12 qof .
Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “waxaan halkan ka cambaaraynayaa xadhiga 12 dhalinyaro ah oo kamida aqoonyahanka koonfurta Hargeysa oo maanta si sharci daro ah loogu xidhxidhay Hargeysa kuwaasoo lagu eedeeyey Madaxweynaha ayaad Salaami waydeen oo aad diideen salaantiisa iyo soo dhawayntiisa ,arinkan oo aanu leenahay waa tacadi badheedha oo ay xukuumadu kula kacday dhalinyaradaas”
Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil.Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu ugu danbayntii ugu baaqay Bulshada koonfurta Hargeysa iyo guud ahaanba Shacbiga Somaliland inay ka dhiidhiyaan isla markaana codkooda kaga aar goostan Xukuumadan sii dhacaysa ee Dulmiga iyo Tacadiyada baahsan baday guud ahaan Bulshada reer Somaliland
Dhalinyadan Xabsiga loo taxaabay ayaa waxa kamida Magacyadoodii
Khaalid Axmed foodhaadhi
Ciid yuusuf cali
Cali Deeq Ismaciil
Siciiid Maxamed Jaamac
Maxamed C/raxmaan
Khaalid Ismaaciil
Maxamed Ismaaciil
Iskusoo wada duuboo dhalinyaradan ayaa hada ku xidhan Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa iyadoo aanay illaa hada wax wara kasoo saarin xukuumada Somaliland.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com