Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo booqashada Raysal-Wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay iclaamin dagaal

0
1465

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa booqashada Raysal Wasaaraha Muqdisho uu ku tagay Laascaanood ku tilmaamay daandaansi iyo iclaamin dagaal oo lagu soo qaaday qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland wuxuu xusay booqashadaasi tahay sharci jabin ay Soomaaliya ku gaftay shuruucda caalamiga ah ee la xidhiidha inay xudduudaha Somaliland yihiin qaar la aqoonsan yahay.

Wuxuu Afhayeenku sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter), waxaannu xaqiijiyay in gardarada Soomaaliya uu wiiqayo dedaalladii Somaliland ee ku wajahnaa inay door shariif ah ka qaadato xasilinta iyo adkaynta nabadgelyada mandaqada.

Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Soomaaliya dusha ridan doonto masuuliyadda wixii ka yimaada booqashadaas duullaanka ku ah madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si degdeg ah ugu baaqaysaa Midowga Afrika,  IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka, UK, dalalka xubnaha ka ah EU, jaamacadda Carabta, iyo dhammaan laamaha caalamiga ahi ay si cad u cambaareeyaan falalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Waxa kaloo uu ku dooday in gaboodfalada Soomaaliya ay halis ku yihiin xasiloonida gobolka oo ay  fursad siinayaan kooxaha argagixisada ah.

Afhayeen Xuseen Deyr, wuxuu caddeeyay in Somaliland ay dhinaceeda xoojinayso ammaanja iyo xasiloonida; hase ahaatee aanay ka baaqsanayn qaadashada dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee difaaca madax-bannaanideeda, midnimada dhuleed iyo badbaadada dadkeeda.

Booqasha Raysal wasaaraha Muqdisho ku tagay degmada Laascaanood ee gobolka Sool, ayuu afhayeenku ku sifeeyay iskudaygii u dambeeyay ee ay  samayso dawlad horyaal u ahayd 34 sanno dalalka fashilmay ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here