Afhayeen Deyr: “Soomaaliya waa Dawlad magac ahaan uun u jirta oo ku tiirsan Beesha Caalamka iyo Ciidammo Shisheeye”

0
1426

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in toddobaadkan mar kale ay Soomaaliya ku ceeboobeen inay BBC-da ku qabsadeen khariirad ay baahiyeen oo xaqiiqo ahayd, oo xusaysay in aanay Somaliland ka mid ahayn Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X(Twitter), waxaanu tilmaamay in BBC-du ay ka mid tahay hay’adaha warbaahinta ee ugu sumcada badan caalamka. sidoo kalena wuxuu iftiimiyay in warbaahinta New York Times iyo The Guardian ay si joogto ah u kala saaraan Somaliland iyo Soomaaliya, taasina aanay ahayn khalad.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland wuxuu ku dhaliilay maamulka Soomaaliya in aanay xataa wada xukumin caasimada Muqdisho.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu intaas ku daray in aanay Somaliland ahayn gobol gooni u go’ay, hase ahaatee ay ahayd qaran la aqoonsan yahay sannadkii 1960-kii oo midnimadii nasiib darrada ahayd ee ay la gashay Soomaaliya burburtay sannadkii 1991kii, kadib markii uu keligii taliyihii Siyaad Barre uu xasuuq u geystay Somaliland.

Wuxuu ka warramay Afhayeen Xuseen Deyr horumarka ay samaysay Somaliland ee ay ka mid yihiin qaran dhiskii, nabadeyntii iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka tisqaaday Somaliland.

Afhayeenku wuxuu ku sifeeyay Soomaaliya “Dawlad magac ahaan uun u jirta” oo ku tiirsan Beesha Caalamka iyo ciidammo shisheeye.

Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in jiritaanka Somaliland aanay ku tiirsanayn khariirad; hasahaatee ay shacbiga Somaliland rabitaankooda ku samaysteen dalkooda. Waxaanu bayaamiyay in warbaahinta caalamiga ahi baahiso horusocodka Somaliland ku tallaabsatay.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr, ayaa waxaa uu ku booriyay Soomaaliya inay ka waantoobaan cambaareynta iyo qaylada oo ay wax ku mashquulaan dhismaha dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here