Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland ay tahay xaqiiqo dhab ah oo la xidhiidha dib ula soo noqoshada xornimo jirtay ka hor midowgii lagu hungoobay ee ay ls gashay Soomaaliya.
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu sheegay in madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland aanay ahayn uun rabitaan keliya, hase ahaatee ay tahay qaddiyad ku sallaysan sooyaal sharciyeed iyo iraadada ummadda reer Somaliland.
Wuxuu Afhayeenku sidaas ku faahfaahiyay qoraal uu caawa ku baahiyay barta X(Twitter), waxaanu tilmaamay in hayaankii dheeraa ee Somaliland u soo gashatay xornimadeedu uu ahaa mid ay u soo muteen shacbigu adkaysi iyo isxukun dhab ah oo ay doonayeen inay kaga mid noqdaan qaramada ka jira adduunka.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay 26 June 1960kii ka xorowday Ingiriiska oo ay aqoonsadeen in ka badan 35 dal iyo qarammada midoobay, waxaanu xusay in xornimadaasi aanay ahayn mid ay amaahdeen, balse ay ahayd mid ay ku kasbatay Somaliland halgan isla markaana la garwaaqsaday.
Xuseen Deyr wuxuu sheegay in midowgii ikhtiyaariga ahaa ee ay Somaliland la gashay Soomaaliya uu ahaa mid lagu hungoobay oo markiiba lagu duudsiyay xuquuqdii Somaliland.
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu ku dooday in midowgii uu ummadda reer Somaliland u horseeday cabudhin iyo xasuuq.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in 1991kii ay Somaliland dib u soo ceshatay xornimadeedii oo ay u cuskatay xuquuqdeeda iyo xaqa ay u leedahay aayo-ka tashigeeda. Waxa kaloo uu ka warramay in Jamhuuriyadda Somaliland dawladnimadeeda ku dhisan saddex dhardhaar, nabadgelyo iyo dawlad dimuqraadi ah oo si habsami leh u taabogashay.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in dhinaca dhismaha nidaamka dawladnimo ay Somaliland ka horreyso dawlado badan oo la aqoonsan yahay.
Afhayeenka madaxweynaha oo ka hadlayay dalabka aqoonsiga, wuxuu caddeeyay in aanay qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ahayn mid gooni-isu taag ah, hase ahaatee ay tahay la soo noqoshada madaxbannaanida qaran jiray ka hor midnimadii nasiib darrada ahayd.
Waxa kaloo uu intaas ku ladhay in mabda’a Midowga Afrika ee xuduudaha gumaystuhu ka tagay ay waafaqsan yihiin arrinta Somaliland.
Xuseen Deyr wuxuu sheegay in Somaliland sii wadayso dedaalka ay ugu jirto aqoonsi raadinta, waxaanu xusay in madaxbannaanida JSL ay tahay lama taabtaan oo ay sii xoojin doonaan xidhiidhka caalamiga ah iyo kor u qaadista cilaaqaadka dhinaca dhaqaalaha.
“Sheegasho siyaasadeed oo been ah, ama cadaadis dibadeed midkoodna ma beddeli karo xaqiiqada dhabta ah. Somaliland waa qaran si buuxda u shaqeeya, guushiisuna waxay ku dhisan tahay rabitaanka shacabka, iyo xasillooni siyaasadeed,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxweynuhu.
Afhayeenku wuxuu xusay in ciddii isku dayda inay Somaliland ku sheegto qayb ka mid ah Soomaaliya ay tahay cid marin habaabinaysa xaqiiqda dhabta ah, islamarkaana ay meel ka dhac ku tahay nabada, xasiloonida iyo halganka adag ee shacbiga Somaliland.
Xuseen Deyr wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan qarannimada Somaliland oo ah xaqiiqo aan la inkiri karin.