Abiy Axmed oo sheegay in heshiiskii Somaliland kamid-yahay hindiseyaasha guusha dalkiisa

0
7584

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed,  ayaa sheegay in hindiseyaasha uu soo kordhiyay sannadkii hore ee tirsiga Itoobiya ee guusha u ah dalkiisa uu ka mid yahay heshiiskii isfaham ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 1dii bishii January 2024.

Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ee Xafiiska Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa lagu sheegay in Raysal wasaaraha Itoobiya uu ikhtiraacay hal abuur cusub oo siyaasadeed oo iskugu jira horumar dalkaas gudihiisa ku wajahan iyo tallaabooyin lagu xoojiyay xidhiidhkooda caalamiga ah.

Waxaa xafiiska Raysal wasaaruhu baahiyay ku dhowaad 70 sawir oo ah, kuwii ugu mudnaa waxqabadka sannadlaha ah ee Raysal wasaare Abiy Axmed.

Waxana ka mid ahaa sawirkii ay ku kala saxeexdeen heshiiska is afgarad Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhigayay in Somaliland 20km oo xeebteeda ah ay ka kirayso Itoobiya, si ay uga samaysato saldhig millateri oo badda ah.

Sidoo kale, wuxuu heshiiskani jidaynayaa in Itoobiya ay noqoto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa dhawaan sheegay in heshiiska isfaham oo dhammaystirkiisu gabogabo yahay ay fulin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here