Abiy Axmed oo la kulmay Safiirrada cusub ee Itoobiya

0
1190

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la kulmay safiirrada cusub ee dalka Itoobiya ee dhawaan la magacaabay, kaddib markii uu soo dhammaaday tababar ay qaadanayeen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, sida uu sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay tababarro siisay safiirrada cusub ee la magacaabay si ay ugu suurtagasho in ay fahmaan dhaq-dhaqaaqyada duruufaha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah iyo horumarinta danaha Itoobiya si hufan iyo go’aan qaadasho.

Safiirradan oo uu dhawaan magacaabay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ka kooban 24 safiir, iyadoona la faray in danjireyaashu ay ku dadaalaan horumarinta danaha qaranka Itoobiya iyagoo kor u qaadaya xirfadooda shaqo.

Tababarka horudhaca ah, ayaa safiirrada la siiyay ajandayaal kala duwan si ay uga caawiyaan sidii ay si hufan ugu horumarin lahaayeen danaha qaranka Itoobiya.

Tababarku waxa uu ku saabsanaa arrimo badan oo heer qaran, gobol, qaarad iyo caalami ah oo khuseeya danaha qaranka Itoobiya oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda dhaqaalaha, doorka Itoobiya ee shirarka dhinacyada badan leh, siyaasadda qurba-joogta, xidhiidhka warbaahinta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here