Aas Qaran Oo Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuun Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

0
967

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alleh ha u naxariistee waxaa maanta si  heer qaran ah Magaalada Hargeysa loogu aasay Marxuum Saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid Baay  oo mudooyinkii u danbeyey xauun u jiifay.

 

Aaska markuumka ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha xisbiga Waddani  , Wasiiro, xildhibaano,  saxafayiin ,  culmo awdiin iyo dadweyne kale.

 

Gudoomiye Ciro , Wasiir Cukuse , Wasiir Cadaani  iyo qeybo ka mid ah warbaahinta ayaa waxaa ay halkaasi tacsi ugu direen ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay marxuumka waxaana ay ilahay uga baryeen in uu qabriga u balaadhiyo naxariistii jano fardowsana ka waraabiyo.

 

 

 

Marxuum Saxafi Cabdiqaadir Maxamed Ciid ayaa waxaa uu ahaa rug cadaa saxaafadeed waxaana uu ka mid ah mid ka mid ah tiir dhexaadka saxaafada  isagona ka mid ah aas aasayaasha wargeyska Saxansaxo oo Hargeysa ka soo baxa.

 

Dhamaan Maamulka, Hawlwadeenada iyo Wariyeyaasha Shabakadda HargeisaPress.com Waxaanu Tacsi u diraynaa ehelkii, qaraabadii, Asaxaabtii, saxaafadii iyo dhamaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxaanuna ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here