Xuutiyiinta Yemen oo weerar ku qaaday markab marayay biyaha badda cas

0
573

Sanca (Hargeisa Press)- Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaas oo sida ay sheegtay hay’ad arrimaha badaha ka shaqaysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday.

Xuutiyiinta, ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka.

Xuutiyiinta xulafada la ah Iran, ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel.

Yahya Saree oo ah afhayeenka milateriga xuutiyiinta, ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen.

​Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, inaanu soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaadhay weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here