Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa sanad walba xuska Maalinta Xogta Afrika, oo ku beegan 18-ka November, u dabaal-degta Xuska Maalinta Statistikada Somaliland. Xuskan oo sanadkan lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu xusay, waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Agaasimeyaal Guud, xubno ka socda Golaha Wakiillada, hay’adaha caalamiga ah, jaamacadaha dalka, iyo daneeyayaasha xogta ee kala duwan.
Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo tilmaantay in xuska Maalinta Xogtu uu muhiim u yahay horumarinta nidaamka xog-ururinta, qorsheynta ku dhisan xogta saxda ah, iyo dhiirrigelinta iskaashiga hay’adaha xogta ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa ka hadlay muhiimada xogta ku leedahay horumarinta qorsheynta qaranka iyo gaarista himilooyinka Horumarinta Joogtada ah.
Agaasimaha Waaxda Istaatistikada Khadar Maxamed Gahayr waxa uu soo bandhigay xogaha ay waaxdu soo saarto.
Intii uu xusku socdayna, wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Maaliyadda, iyo Qorshaynta ayaa soo jeediyey warbixino kala duwan oo ay kamid yihiin daabacaadaha xogaha wasaaradda, nidaamka xogta HMIS ee Wasaaradda Caafimaadka, nidaamka xogta EMIS-ka Wasaaradda Waxbarashada, iyo warbixino ku saabsan caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo garaadka qoysaska.
masuuliyiinta ka socday golaha wasiiradda, agaasimayaal guud, xildhibaano, jaamacadaha kala duwan ee dalka, iyo masuuliyiinta kale ayaa dhammaantood ka hadleen muhiimadda xogta, gaar ahaan doorka ay ku leedahay qorsheynta horumarinta dalka iyo dhiirrigelinta iskaashiga hay’adaha xogta ee heer qaran.


























